Artificial Intelligence – Machine Learning

May 31, 2021 | Tools & Tech.

Waa Maxay AI?

AI waxa loo soo gaabiyay Artificial Intelligence, carabiga waxa lagu yiraahda الذكاء الاصطناعي، soomaalina waxa uu ku noqonaya caqli macmal ah, waa majaal aad u caan baxday sanadihii udanbeeyay muhiimna noqoday markii technoolajiyaddu meel walba gashay, waxay soo kordhisay mudooyinkii udanbeeyay 2 million oo shaqo caalamka.

Haddii aan si kooban u qeexo AI waxay tahay in aaladaha iyo mashiinada la baro sidi ay go’aan kan dadka oo kale ah oo la fakaray ay uqaadan lahayeen, shirkadaha technolajiyadda badankood way isticmaalaan systemkaan.

Waxa laga yaaba inad aragtay bots su’aasha aad weydiiso ka jawaabaya, iyo website ku weydiinay inaad sawir ka jawaabto si loo hubiyo inadan robot ahayn, sababto machines aad ayaa loo tababaray oo taas way barteen marki danbe haddana wa la adkeeyay oo farti ayaa la qalqaloociyay haddana way ku taba barteen inay fahman haddana waxa laso kordhiyay in sawiro lagu weydiya si looga joojiyo robots inay qaribaan system ka, saasoy tahay qaarkood ayaan wali xita ka gudba imtixaanadaas.

waxad kaloo aragtay ayaa laga yaabaa gabadhi robotka ahayd ee sofia ee sida qofka caadiga u jawaabeysay, waxad kalo maqashay ayaa laga yaabaa in diyaarada mar marka qaar uu kaxeeyo autopilot, waxad kaloo aragtay technologies wajiga garta iyo fingerprint wax yaabahaaso dhan waxay so hoos galayaan mawduucan.

Mawduucan waxa kale uu galay dhinaca caafimaadka oo waxa jiraa qalab maanta xadidi kara cudurka bukaanka in ka badan xitaa dhakhaatirta ku takhasustay cudurka, sababto machines maclumaat badan ayaa lagu ururinayaa iyo dad horey cudurka u qabay dhiigag iyo baritaano laga qaaday taasoo keenaysay in sii gartaan cudurka xilli hore isagon soo bixinba wali.

Siduu u shaqeeya AI:

Inkasto noocyo badan leeyahay AI haddana nooca aan ka hadlayo waa machine learning oo ah ka badanaa magacan loo isticmaalo, haddaba waxa la rabaa si uu u shaqeeyo ML laba shay:

  1. Macluumaat badan (Data): si loo baro robotka ama machineka tusaale ahaan bisad wa in loo soo ururiyaa sawiro badan oo bisado oo kala waaweyn meelo kala duwan jooga si uu garan karo hadhow bisad kasto.
  2. Qaabka macluumaatka uu ula macaamili laha oo algorithms iyo hababka uu umarayo si uu waxa u arko u aqrin lahaa waxa ugu dhowna uga soo qaban lahaa data da ku kaydsan.

Iyado la isku dayayo in la koobiyeeyo biniaadam caqligiisa sida uu ushaqeeyo, oo qofka marka u dhasho ayu bilaaba macluumatka kaydintooda, ilmaha yar marka hore wax walba wa u dhagaystaa, wana u daawada isagoo ururinaya (data) dii uu hadhow wax ku kala garan lahaa, kadib marka uu koriinkiisu meel fican gadhana wuxuu bartaa sida uu isticmaali laha macluumaatkaas haddi ay noqon lahayd hadalka hab dhaqanka iyo waxa lamidka ah.

waxa xagan igu soo dhacaysa sheekadii nin indha la’aa oo hal mar wax arkay kadib bakayle arkay kadib indhihii haddana beelay, oo marka wax agtiisa loogaga sheekeeyaba dhihi jiray intee ayuu waxaasi bakayle kala eg yahay, haddaba sida qofkaaso kale maroodi loogu tilmaama way adag tahay. taaso ku tusineysa in macluumatka ururintoda ay muhiim u tahay in natiijadu sax noqoto.

Machinada sidi ilmaha ayaa la taba baraa lkn si ka duwan bini’aadamka oo ka degdeg badan iyadoo la isticmaalayo programming, waxa lagu quudiyaa data aad u badan si caqligooda sare loogu qaado mar walba oo data ku kaydsan ay badatana natiijada ayaa sax u dhawaata oo daqiiq noqota.

Hadda games badankood waxaa ku jira robots kula ciyaaraya iyagoo isticmaalya tecknoolajiyadan, waxa laga yaaba inay ka badiyaan laacibiinta ugu khibrada badan, tababar kooban kadib.

waxa la baraya qawaacida iyo ruleska ciyaarta iyo inu hal mar ciyaaro, iyo inuu sugo qofka la ciyaarayo markiisa, sida loo badiyo sida looga badinayo, si u inuu badiyo isugu dayo isagana ilaaliyo in laga badiyo.

 

 

Qeybaha Cilmigan:

Cilmigan qeybo badan ayuu leeyahay waxa uuna bilaabmay qarnigii labaatanaad bartamihiisa, waxa hadda hoos taga lix qaybood oo kale

  1. Experts Systems waxay ku saabsantahay la matalo go’aan qaadashada dadka.
  2. Robotics: waxa ay ku saabsantahay qeybtan in lasameeyo robots dhaqaaqa caqlina leh, waxa ku jira engineering.
  3. Machine Learning: qeybtan wa qeybta aan lagu siinayo machinada in quutada macluumat waxna ka bartan.
  4. Neural Network ama Deep learning: wa qeybta loogaga dhigayo robotka inuu u dhaqmo side qof waxna qiimeyo sida dadka.
  5. Fuzzy Logic: qeybtan waxa ku saabsantahay la macaamilka maculuumatka aan hore loo aqoon iyo soo saarista inay run tahay iyo been tahay.
  6. Natural Language Processing: qeybtan waxay ku saabsantahay la macaamilka luqadaha dadka iyo codadkooda in la garto oo loo badalo qoraal la fahmi karo.

Fursada Shaqo uu leeyahay:

Technolajiyaddan aad ayuu suuqeeda kor ugu socda shirkadaha waaweyn oo dhanna maalgashi ayay ku wadaan sidee looga faa’idaysan lahaa, inkasto shaqooyin badan ay suuqa ka saari doonan oo machines ay qaban doonan hadda waxa soo baxay shaqooyin kale sida taba baridooda iyo data da ay ku shaqeyn lahaayen ururintooda iyo shaqooyin kale oo farabadan.

 

Halista ay leeyihiin:

Waxa dadka qaar aad uga cabsadaan in mashiinada la tababarayo ka hor imaadan dadka haddi ay ka caqli bataan dadka ama dadka qaar baraan hab dhaqan xun, waxa tusaale ahan sanadii 2016 dhacay inay shirkadda microsoft soo daysay robot la yiraahdo Tay bot oo account twitter ah loo sameyay si uu wax uga barto dadka lkn haddana saacado kadib wa la joojiyay sababto wuxuu ka bartay dadka qaar haddalo cunsuriyad ah, oo tweets ayuu ku taageertay naaziyada, sidaas awgeed shirkaddi way kasartay.

Google assistant isna waxa uu ticket ka goostay tima jare iyadoon la ogayn, marka machines halis ayay yeelan karaan haddi ay controlka dadka ka baxaan.

Marka maadama machines wixi la baro oo lagu keydiyo un ay qaadanayan waxa laga yaaba inay halis ku noqdaan dadka, waxana laga sameyay fikradan filimo badan oo khiyaali ah oo looga hadlay xaaladdan.

Scholarship In Machine Learning (ML) program with AWS:

Scholarshipkan waxan bixinaya manasada udacity.com waana school caan ku ah technolajiyadda, waxay leeyihiin qeyb la yiraahdo school of artificial intelligence.

linkiga scholarshipka wa kana:

https://www.udacity.com/scholarships/aws-machine-learning-scholarship-program

 

Xagaa ka aqri macluumatka ku saabsan AWS:

https://d1.awsstatic.com/whitepapers/aws-overview.pdf

 

Hoga tusaaleyn kooban oo kusaabsan machine learning:

https://d1.awsstatic.com/training-and-certification/ramp-up_guides/Ramp-Up_Guide_Machine_Learning.pdf

 

Farqiga u dhexeeya AI iyo ML

https://www.sas.com/en_us/insights/analytics/machine-learning.html

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest

2 Comments
Oldest
Newest Most Voted
Inline Feedbacks
View all comments
Abdi rahman
Abdi rahman
3 years ago

Keep up the good work !

Yahye Ahmed

Join Over 1000 subscribers to my helpful tutorials in YouTube

Need a website?

Whether you need it for your business or personal blogging we will design it for you.

Pin It on Pinterest

Share This

Share This

Share this post with your friends!