Sidee u sameysan kartaa website

May 29, 2021 | Creativity, Tools & Tech.

Faa’iidooyinka uu kuu leeyahay:

  1. Guri kuu gaar ah: waa meel aad adiga leedahay oo laguu xadidayn waxa aad ku qori karto iyo waxaa aad ku sameyneysaba.
  2. Waxaa ku kobcin kartaa xirfadahaaga sida qoraalka iyo laxiriirida dadka iyo xirfado kale oo badan.
  3. waxaad sameynaysaa asxaab iyo network daneeya waxa aad daneyso taasoo kuu furaysa fursado badan ood kusii hormarto.
  4. Haddi aad shaqo u baahato berri cv iyo portofolio ayuu ku noqonayaa taasoo qofka ku shaqaaleysiinayo su’aalo badan uu ka qabi lahaa wax qabadkaada ka jawaabeyso, qofkana wuxu helaya meel uu kaala jaanqaado.
  5. lacag ayaad ka sameyn kartaa oo sida youtube iyo social mediaha ayaad lacag ka sameyn kartaa oo waxa jira dad badan oo ku xayaysiiyo websiteskooda kadidna sidaa ayaad waxaad ku sameyneysa lacag badan. Ama si toos ah ayaad products ugu dhex iibin kartaa intaad qayb e-commerce ah sameysid ama merch.

 

Sidee loo sameeya website:

si aad u sameyso website shaqeeynaya waxa aad u baahantahay laba waxyaabood:

  1. domain name (magaca mareegta)
  2. hosting + platform to use (martigaliye iyo platform).

 

  1. domain name waxa waye magaca loo bixinayo websiteka, side yahyeahmed.com ama google.com magaca waxa uu noqon karaa mid free ah tusaale ahaan: yahye.wordpress.com wana iska beginner sababtoo ah magaca shirkada ayad magacaga daba wadeysa, haddi aadan lacagta awoodin lkn isaga ku bilow.  lkn haddi aad lacagta bixin kartid waxaad ibsanaysa magacaaga.com ama .org ama wax lamida oo magacaaga kaliya .com tu ku xigto. lacagta kaaga baxaysana waaa lacag aad u yar oo u dhiganta 10 dollar sanadki wax ka yar hal dollar bishi mar marka qaar waxa laga in shirkada aad platformkeeda isticmaaalayso inay sanada kowada kugu soo dhaweyso si free ah.

waxa kalo si free ah kuheli kartaa haddi aad arday tahay mid ku dhamaado .me shirkadda namecheap.com lkn mar walba waxa fican .com haddi aaad ka bixi kartid.

xagan booqo:

https://nc.me/search?term=yahye&extension=me

2. waxa kala doorane sida aad jeceshahay:

  1. (Adeegga: Fudeyd) inaad isticmaasho platforms drag and drop ka ah taaso si fudud aad ugu sameyn kartid, tusaale ahaan squarespace.com ama wix.com
  2. (adeegga: dhexdhexaad): waxad isticmaali kartaa platformska sida wordpress, ghost iyo kuwa lamidka ah, wordpress wa free, ila haddii themes premium ah inad qaadato aad ubaahatid maahane, ghostna wa lacag lkn xoga way ka fududahay.
  3. (adeegga: adag): inaad develop gareysaa oo coding aad ku ficantahay taasna aad ayay u horeysa. tanina wa freee haddi aad sameyn kartid.

Noocyadan dhamaan haddi ilahay ogolaado waxan ku sharxi doona xagan, haddi aad u bahan tahay inad website sameysato oo na laga caawiyo waxad booqata digitals.yahayeahmed.com

Qiimaha ku baxa websiteka: 

Haddi aad adigu dhisi kartid 5 ila 10 dollar ayuu u dhaxeeya bishii, lkn haddi laguu dhisayo waxa kugu baxaya qiime intaa ka badan ama aad adiga u baahantahay website shaqo adag u baahan.

Wax ku qor oo horumari:

Intaa markaad sameyso waxa kaliya ee kuu haray waa inaad wax ku qortaa oo umadda uga faa’iidaysaa khibradahaaga iyo aqoontaada, waxbana ha yareysanin sababto ah mar waliba waxa jira qof kaa hooseeya oo intaa aad yareysanayso adigu isaga wax badan tarayso.

Qoraalo badan qor oo wax badan soo gudbi hana isku mashquulin inta hore wax yaabaha technical ah sida qurxinta iyo SEO iyo xayeysiinta iyo waxa lamidka ah.

 

waxan kuu rajaynaya horumar.

links xaggan ayaan soo galin doona shirkada laga iibsado domainka iyo hosting kaba.

 

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments

Yahye Ahmed

Join Over 1000 subscribers to my helpful tutorials in YouTube

Need a website?

Whether you need it for your business or personal blogging we will design it for you.

Pin It on Pinterest

Share This

Share This

Share this post with your friends!