Wadar ama Wax La’aan

Dec 28, 2020 | Productivity

waxaan rabaa inaan kaga hadlo maqaalkan wax loo yaqaano wadar ama wax la’aan (Eber), oo Englishka lagu yiraahdo (Zero or Sum).

Fikraddan waxa laga wada in qofka faa’iido uu helayo qofka khasaaray waxa uu waayey.

Marka macnahaa laga soo tago, waxaa jira dareen kale oo isna macnaha mid dhinac uga eg wata oo ah in qof waxa oo dhameystiran helo, amaba wada waayo, oo aanu wax intaa u dhaxeysaba aqbalin.

Labadaan xaalad ayaan kaga hadli doonaa iyo sida ay qofka u saamayn karaan horumarka qofka iyo noloshiisa si guud.

Sida darteeda waxan u qebin doonaa qormadan labadan qeybood:

Saameynta ey ku leedahay qofka shaksi ahaan.
Saameynta ey ku leedahay sida uu arko dadka kale.

  1. SAAMEYNTA SHAKHSI AHAAN:
    Waxa loo yaqaana luqadda carabiga (الكمالية), tan Englishkan (Perfectionism), qofka noocaas ah waxa uu u dhigaa nafsaddis ahdaaf ay adagtahay in la xaqiijiyo, qiimeyntiisuna aad ayay u adagtahay, wax walba waxa uga daran dhaliisha dadka, oo haddi uu waxa uu qabanayo aanay boqolkiiba boqol sida la raba kusoo baxayn waxa uu ka doorbidaya inanu sameynba.

Taasoo keeneysa ugu danbeynta in aanu sameyn waxba, isagoo mar waliba naftiisa u sheegaya inuu diyaar garow ku jiro, diyaar garow aan dhamaaneyn.

Qofkan leh astaantan ma ogola in ay jirto meel udhaxeso wadarta dhamaystiran iyo wax la’aanta madhan, taasoo haddi la sameyo gaarsiin karta maalin un wadarta dhameystiran, halka wax la’aantu dib u celinayso.

Waxa xal u ah arrintan in qofku ku dhaqaaqo waxa uu rabo inuu qabto mar walibana dhameeyo, dhaliishana qaabilo dibna ka saxo, waxna aanu u dib dhigin inta ey ka dhameystirmayaan, sababtoo ah dib udhigistaas badanka ma dhamaato, dhaliil kasto la xaliyana mid kale ayaa so baxda, oo waxa igu soo dhacaysa, odhaah ingriis ah oo tidhaahda:

“Don’t wait until you are ready to take an action but take an action to be ready”.

Oo macnaheedu yahay ha sugin intaa aad ka diyaar garoobeyso si aad wax u qabsato, ee wax qabo si aad diyaar garow ugu gaarto.

Haddaba waxa fiican mar waliba inaan la yareeysanin wixii wax qabad ah, sababto ah muhiimadu ma’ahan intay wuxu la egyihiin ee intee in la eg ayay soconayaan, waxaana tusaya macnahaas xadiithka uu nabiga scw ku leeyahay: “إن أحب الأعمال إلى الله أدومها وإن قل” [1]

Oo macnihiisu yahay: acmaasha waxaa ilaahay agtiisa loogu jecelyahay kuwooda socda haba yaraadaane.

2. SAAMEYNTA DIBADEED:

Aragtidan waxay leedahay saameyn aad u balaaran marka laga yimaado qofka shaksi ahaantiisa sida uu isu arko oo waxay saameyn kartaa sida uu u arko dadka kale ee waxa uu ku taamayo heysta, haddi ay noqon lahayd magac, lacag, ama wax kastoo kale oo fiican oo qofku marka haminayo.

Saameyntaas oo yeelan karta wajiyo badan waxaa kamid ah:

Marka kowaad qofka inuu xasdo dadka, amaba naco, gaar ahaan kuwa ku ay isuga majaalka yihiin, una arko kuwa tartan kula jira, oo wixii uu heli lahaa ka qaadanaya, madaama uu aaminsanyahay in wuxu kala hadhayn oo ay dhamaanayaan, taasoo keenaysa inanu la shaqeyn, ama hagardaameyo, isagoo isleh waxa hel adiga, iyadoo ay suuro gal tahay in lawada helo, dhaqankaasna waxa uu ka dhex jiraa qeybo farabadan oo bulshada kamid ah, haddi ay noqon lahayd ganacsato, culimo, arday, iyo qolo waliba oo wadaagta wax un.
Marka labaad waxaa ka dhalata dareenkan marka uu arko qof guuleystay inuu hamigi beelo oo aanu waxba qabsan, isagoo sababta ugu dhigaya in dadka ka horeeyay booskii ka buuxiyeen, oon loo baahneyn isaga, taaso keenaysa in qofku xitaa aan isku day sameeynin, waana arrin khatarteeda leh, bilow iyo dhamaaadba.
Sababaha keena dhaqankan:

Waxa sababa xaaladdan arrimo badan, waxa kamid ah in qof kusoo koro meel xoola yari ka jirto, oo wax waliba gabaabsi yihiin, waxaa jirta daraasad lagu sameeyay 37 wadan dad kasoo kala jeeda, oo lagu weydiiyay su’aalo qiyaasaya inta ay la egtahay aaminsananta fikirkan (sida: qof guushiisa ma tahay dib u dhaca qof kale), daraasaddu waxay tustay in dareenkaas uu kubadnaa dadka kasoo jeeday wadamada dhaqaala ahaan hooseeyay[2].

Waxa sababo noqon kara in la aamino in wax walba gabaabsi yihiin sida lagu dhigu cilmiga dhaqaalaha, oo ku dhisan fikradda gabaabsiga kheyraatka (Resource Scarcity) ((ندرة الموارد taasoo sheegta in aanay kheyraatka yaalla aanay marna dabooli karin baahiyaha beni aadamka ee mar waliba soo cusboonaanaya, waana sababta loogu baahanyahay dhaqaalaha.

Lakin waxa taas aan sabab looga dhigi karin in dhaqaaluhu gabaabsiga ku koobo wax yaabaha kheyraatka muuqda, lakin dadka xaaladdan haysaata wax walba agtooda waa ka gabaabsi, xitaa hadda aan la taaban karin sida guusha, iyo jaceylka iyo wax lamidka ah, oo haddi qof kale helo waa ka dhamaadeen.

Maxaa xal ah?

Xalka keliya waa inuu aamina qofku in uu yeelan karo kaalin nololeed oo u gooni ah isaga oo qof kale aanu dabooli karin, loogana baahan yahay inuu ka faa’iidaysto, una shaqeeyo sidii uu u buuxin lahaa, iyo in uu aamino in wax u qoran isaga in aanay cid kale ka qaadaneynin, markaas ayuu ka badbaadi karaa, labaddi ciladood ee soo sheegnay ee kala ahaa:

Xasadka oo meesha ka baxaya haddi uu qofka aamino in wixi loo qoray eynan dhaafayn.
Hima la’aanta oo meesha ka baxaysa haddi uu qofku aamino in kaalintiisa nololeeda laga rabo inuu buuxiyo isaga cid kabadli karta ama ka dhameyn kartana aanay jirin.
Ugu danbeyn: adigu ma isleedahay dareenka ah wadar ama wax la’aan ayaa saameyn kugu haysa?

[1] Waxa weriyay bukhaari, (6465) iyo muslim (783).

[2] Rozycka-Tran, J.; Boski, P.; Wojciszke, B. (2015-03-19). “Belief in a Zero-Sum Game as a Social Axiom: A 37-Nation Study”. Journal of Cross-Cultural Psychology. 46 (4): 525–548. doi:10.1177/0022022115572226.

5 1 vote
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments

Yahye Ahmed

Join Over 1000 subscribers to my helpful tutorials in YouTube

Need a website?

Whether you need it for your business or personal blogging we will design it for you.

Pin It on Pinterest

Share This

Share This

Share this post with your friends!